Home / Ciidamada dalka Kenya oo bilaabeen in ay ka Baxaan Somaaliya….

Ciidamada dalka Kenya oo bilaabeen in ay ka Baxaan Somaaliya….

Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan degaanada ay ka maamulaan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa bilaabay in ay ka baxaan degaanadaasi oo ay horay uga qabsadeen Al-Shabaab.

Maamulka gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidanka Kenya Saacaddihii ugu dambeeyay ay ka baxeen degaano dhowr ah, islamarkaana loo baahan yahay in lala socdo dhaqdhaqaaqyadda Ciidanka Kenya ee Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa shalay si lama filaan ku noqotay mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ee Soomaaliya uga baxay magaalada Faaxadhuun ee Gobolkaas Gedo, taasi oo markiiba ay la wareegeen Al-Shabab.

Waxaa jirta cabsi ah inay sidaasi oo kale ciidamada Kenya ka baxaan magaalada Busaar oo ay kaga harsan yihiin Gobolka Gedo.