Home / WARARKA MAANTA (page 243)

WARARKA MAANTA

Deg Deg ah: Toogasho Qaab Cusub oo cawada ka dhacday Gobolka Banaadir ka dib markii ay soo.10-07-2017

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay qaab cusub u khaarijiyeen mas’uul ka tisan Gobolka Banaadir. Dableyda hubeysan ayaa Mooto ay wateen u adeegsaday inay ku fuliyaan toogasho, iyagoo kadibna goobta ka baxsaday isla markii ay fuliyeen falka ay ku khaarijiyeen mas’uulka. Mas’uulkan ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdullaahi Tima-jilic, ayaa lagu toogtay degmada Hodon ee ...

Read More »

War Deg Deg ah: Janaraal Jaamac Qaalib oo Xilkii loo Magacaabay iska Casilay kana war Bixiyay sida uu.10-07-2017

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib uu iska casilay xil uu umagacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa loo magacaabay xalay Guddoomiyaha Sanduuqa Taakuleynta Ciidamada laakiin saacado kadib xilkaas ayuu iska casilay. Madaxtooyadda Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka uu Janaraal Qaalib xilkan isaga casilay waxaase la filayaa in badalkiisa la magacaabo. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ...

Read More »

Meyd la amray inaan la qaadi Karin, Dad Gaari la dulmarsiiyay, & Dilal ka dhacay Duleedka Muqdisho.9-07-2017

Toban Qof ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. 2 Qof waxaa ay Ciidanka AMISOM ku dileen degaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeellaha hoose,kuwaas oo ahaa Askar ka tirsan Dolwadda oo saarnaa Mooto baajaaj. Ciidamada Midowga Afrika ayaa gaariga ay wateen jiirsiiyay Bajaajta waxaana ka dhashay dhimashada ...

Read More »

NEW: Guddoomiyha G: BanadirTaabit oo Shirkad Gaara ku wareejiyay Gaadiid & Warshado Turkigu siiyay G/Banaadir.9-07-2017

Guddoomiyaha Gobolka banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa Gaadiidka iyo Qalab loogu deeqay Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejiyay shirkad gaar ah. Wararka la ogaaday ayaa sheegaya in Taabith uu heshiis qarsoodi ah la galay shirkad lagu magacaabo Kulmiye, taasoo uu ku wareejiyay Gaadiid dhisme ku dhow 50 iyo Warshado ay Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga siisay Maamulka Gobolka Banadir. Heshiiska oo ...

Read More »

Farmaajo oo Qirtay in Heshiiska Saldhiga Berbera uu Xasan Sheekh wax ka og yahay.8-07-2017

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadliyay furitaankii Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka ayaa ka gaabsaday rasmi ah uu uga hadlo heshiiskii ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan saldhigga Berbera, kaddib markii Xildhibaanada ay mooshin ka keeneen bishii April ee sanadkan Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabayay qoraal uu bishii May u qoray Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ku ...

Read More »

XASAASI: Thaabid oo Jawaari iyo Xildhibaanadiisa Dusha ka saaray Maqaamka Muqdisho.8-07-2017

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa khudbad ka jeediyay Kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka, kaasoo maanta uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya. Guddoomiye Taabid ayaa ugu horeyn sheegay in Baarlamaanka uu hor-yaalo howlo qaran oo culus, isagoo soo hadal qaaday arrinta Maqaamka Muqdisho iyo sida ay tahay in lagu helo, iyadoo loo marayo sida dastuurka ...

Read More »

Arin Cusub/Duqa Gobolla Banaadir oo Ciidamo u diray Beerta Nabada ( Maxa dhacay) 06-07-2017

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu ku fulinayo amarkiisii shaqeyn waayay ee ahaa in Beerta nabadda lagu galo lacag la’aan. Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamada Booliska iyo kuwa nabadsugidda Gobolka Banaadir loo xilsaaray fulinta amarkii laga soo saaray Beerta Nabadda. Maamulka Beerta Nabadda ayaa iska diiday amarkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ...

Read More »