Home / WARARKA MAANTA (page 20)

WARARKA MAANTA

Somalia Iyo Kenya Oo Isku-Raacay Diyaaradaha Qaadka Keena Soomaaliya in la Soo Saaro Kaluun,

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (maareeye) ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Maanta dhiggiisa Wasiirka ganacsiga Dalka Kenya Mr. Peter G. Munya. Wada hadallo dheer ka dib ayaa waxay Labada Wasiir ku heshiiyeen, in la hir-geliyo heshiiskii wadaagga ganacsiga ee ay Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen Nairobi 29 November 2017, ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaarey Turkiga,

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magalada Istanbuul ee dalka Turkiga,halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadha soo socdo uga sii gudbi doona Magalada Ankara halkaasi oo kaga qeyb gali doono  Shirka Xisbiga Ak Party ee dalka Turkiga oo lagu martiqaaday Madaxwayne Farmaajo. Sidoo kale Madaxwayne Farmaajo waxa ...

Read More »

Golaha wasiirada oo maanta kulan koodi ka hadlay tirakooka ajaanibta dalka ku sugan

Kulankii khamiis laha ahaa ee golaha wasiirada Soomaaliya oo uu gudoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta waxaa laga soo saaray go’aan lagu tirakoobayo ajaanibta ku dhaqan gudaha dalka. Wasiiru dowldaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo kulanka warbaahinta uga warbixiyay, ayaa waxa uu sheegay in golaha wasiiradu ay go’aamiyeen in si rasmi ah ...

Read More »

Guddoomiyaha Barlamaanka oo la kulmay xubno ka socday Midowga Yurub,

Kulanka oo uu shir guddoominayay ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa warbixin kooban looga dhageystay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Gudiga madaxa bannaana ee doorashooyinka Qaranka waxyaabaha uu gudiga joogtada ah u soo gudbiyay waxaa ka mid ahaa halka ay mareyso howsha gudiga, diiwaangelinta codbixiyaha, qalabka doorashada loo adeegsan doono ...

Read More »

DFS oo amartay Hay’adaha DF in ldhaqan-galiyo sharciga Iibka Qaranka,

Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo saartay amar faraya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibaka qaranka ee dalka u yaalla si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyaysan oo loo maray hannnaanka saxda ah. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa ...

Read More »

Muhiimad caynkee ah ayey leedahay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti?

Waxaa lagu wadaa in maanta dalka Jabuuti ay booqasho rasmi ah uga bilaaban doonto Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo waxa uu kulan la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, si ay uga wada xaajoodaan madmadowga dhawaantan soo kala dhexgalay xiriirka dublumaasiyadeed ee labada dal. Dabayaaqadii bishii July ayey aheyd markii uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tegay dalka ...

Read More »

Madaxweynaha Farmaajo iya oo beri booqan doona Jabuuti,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Safarka Madaxweynaha waxaa qeyb ka noqonaya Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, iyada magaalada Jabuuti looga diyaar garoobayo soo dhaweynta Madaxweynaha. Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay salka ku haysaa sii xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada ...

Read More »

Doorasho ka dhacday dalka Mareykanka oo ay ku guuleysteen Gabdho Soomaaliyeed,

Doorashada xalay ka dhacday Mareykanka ayaa Soomaalida ku guuleysatay waxa ay kala yihiin Ilhaan Cumar oo ku soo baxday golaha Congres-ka dalka Mareykanka, Hodan Xasan oo ku guuleysatay golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan. Ilhaan Cumar oo horey uga mid aheyd Aqalka Wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa waxa ay doorashadaasi ...

Read More »

Koonfurta Kuuriya oo mamnuucaysa ku dhawaad 20,000 gawaarida BMW,

Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay wadooyinka dalkeeda ka mamnuucayso qiyaastii 20,000 oo ah nooc ka mid ah gawaarida BMW, ka dib markii uu dab ka kacay marar badan. Mamnuucitaankan ayaa qaban doono gawaarida aan sida mutadawacnimada ah wali dib loogu celinin shirkadda BMW si loogu sameeyo baaritaan dhanka ammaanka ah. Ku dhawaad 30 matoor oo gawarida shirkadda ah ...

Read More »

Ilaa Afar Ruux Oo Ku Geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay Deegaan Ka Tirsan Soomaaliland,

Dhimashada Afarta ruux ayaa timid ka dib markii ay shil ku galeen shalay gelinkii dambe gaari ay wateen duleedka Magalada Gibiley,waxana la sheegay in sidoo kale lix Ruux ay shilkaasi ku dhaawacmeen. Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA ayay la socdeen dadkaas,waxana gaariga ka baxay mid ka mid ah taayaradiisa taas oo keentay in uu wadada ka baxo,sida ay Warbaahinta ...

Read More »

Bakayoko oo Heshiis lagalay AC Milan,

Tiemoue Bakayoko ayaa ugu dambeyn dhammeystiray heshiiskiisa ku biiritaanka AC Milan. Chelsea ayaa ciyaaryahankan Serie A u dirtay hal xilli ciyaareed oo amaah ah, oo ay ku jirto €35m oo ay xagaaga dambe ku iibsan karto. 23-jirkan oo hal jeer u saftay xulka qaranka France ayaa lasoo bandhigi doonaa maalinta Jimcaha oo taariikhda ku beegantahay 17-ka August 2018. Bakayoko oo ...

Read More »

SAWIRO: Booliska Itoobiya oo qabteen hub iyo Walxa Qarxa,

Ciidamada Booliska dowlad degaanka Tigreedda ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen hub iyo Waxyaabaha Qarxa oo la doonaayay in lasoo galiyo Gudaha dowlad degaanka. Waxa ay sheegeen Ciidamada Booliska in qaar ka mid ah dadka degaanka ay soo sheegeen in Qaraxyo hub loo soo waddo Caasimadda dowlad degaanka Tigreedda. Tirada walxaha qarxa ee la qabtay waxaa ay gaareysaa ...

Read More »

Isbadallo deg deg ah oo laga dareemay Jigjiga.

Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan markii ay dib u habeyn lagu sameeyay xisbiga talada haya, waxaa magaalada Jig Jiga laga dareemayaa isbadalo aanan horay loo arag. Waxaa magaalada ka qabsoomaya shirar kala duwan oo noocooda oo kale horey mamnuuc u ahaa, waxaana laga jeedinayaa hadalo aad uga duwan kuwii hore. ...

Read More »

Meyd laga helay xeebta Boosaaso,

Labo caruur ah ayaa saaka meydkooda waxaa laga helay  xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Caruurtan inta aana meydkooda lasoo helin, ayaa muddo waxaa la weysanaa halka ay jaan iyo cirib dhigeen. Burhaan Ismaaciil oo mid kamid ah caruurta ay baddu liqday waalid u ah ayaa sheegay in caruurtan ay muddo weysanaayeen, balse markii danbe lagu soo wargaliyay in laga ...

Read More »

Mas’uul Ka Tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Oo Musuq Maasuq Ku Eedeysan Oo Damaanad loo Diiday in lagu Siidaayo,

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa la hogeeyey Masuul loo heysto Masuqmaasuq oo Maanta qorshuhu ahaa in damaaanad lagu sii daayo balse taasi aysan dhicin. Qareenada u doodaya C/Shakur oo ka tirsan wasaarada maaliyadda loona heysto masuqmaasuq ayaa waxa ay sheegeen in uusan xabsiga kusii jiri karin maaadaama uu qabo Cudurka Macaanka. Maxkmada G/Banaadir ayaa diiday in masuulkaasi lagu siidayo damaanad,waxaana ...

Read More »