Home / WARARKA CAALAMKA (page 30)

WARARKA CAALAMKA

QM: Oo ka digtay xaalad nafaqa darro oo kusoo wajahan 1.25 Milyan oo Carruur ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka digtay in Carruur kor u dhaafaysa 1.25 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an Sannadkan, sababto la xiriira fatahaadahii ka dhacay Soomaaliya. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu Magacaabo, Stephane Dujarric , oo Jimcihii Shalay saxaafadda siinayay warbixinta joogtada ah ee daadadka tan iyo Bishii April ...

Read More »

Wiil uu dhalay Amiirka Dalka Imaaraadka Carabta oo magangalyo weydiistay Qatar.

Wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa qoray in wiil uu dhalay Amiirka Imaaradda Al-Fujayra ee dalka Imaaraadka Carabtu goostay oo uu magan gelyo siyaasadeed waydiistay Qatar, codsigiisana sii mariyey safaaradda Qatar ku leedahay London. Xogo laga helayo dad u dhawdhaw Amiirka goostay oo magaciisa la yidhaa Sheekh Raashid Bin Xamad Al-Sharqi, iyo sida oo kale xogo diblomaasiyadeed ...

Read More »

Shabaab iyo Mareykanka oo ku dagaalamay Jubada Hoose KHasaaro…

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Kuwa Mareykanka oo garab ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobalka Jubada Hoose. Dagaalkaan oo muddo socday ayaa sababay dhimashada Askari Mareykan ah iyo dhimashada Askar kale oo Soomaali ah, waxaana sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Al-Shabaabkii weerarka qaaday. Ciidamada Soomaaliya ee Howgalkaasi ka ...

Read More »

Wiil Soomaaliyeed oo ku guuleystay tartanka Qur’aan aqriska Dunida

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalooyinka mataanaha Minneapolis st paul International Airport lagu soo dhaweeyey Axmed Burhaan Maxamed oo ah wiil Soomaali Amerikaan ah isla markaasna in ka badan Boqol Dal oo caalamka kaga guulaystay tartan Qur’aanka kariimka, kaas sannadkasta lagu qabto Dalka isutagga Imaadaraadka carabta.isagoo matalayay Dallka Mareykanka. Waxaa Gegida Diyaaradaha ee Minneapolis kusoo dhaweeyay Boqolaal ka mid ah Jaaliyadda ...

Read More »

Dagaal ganacsi oo ka dhex qarxay Faransiiska & Maraykanka

Trump iyo Macron oo hadallo kul kulul iswaydaarsaday Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa faransiiska ayaa eedaymo xooggan oo ku aaddan siyaasadda ganacsiga iswaydaarsaday xilli uu shir madaxeedka G7 uu ka socdo dalka Canada. Bartiisa twitter-ka ayaa madaxweyne Trump waxa uu ku eedeeyey in Faransiiska iyo Canada ay Maraykanka kusoo rogoyaan canshuuro xad dhaaf ah ayna abuurayaan isbaaro ganacsi. Dhanka kale madaxweynaha ...

Read More »

Madaxweyne Erdogan oo wajihidoona loolan adag

Meral Aksener Iyadoo uu xilliga guga uu gabagaba yahay ,ayaa xiisadda siyaasadeed ee ka jirta degmada Besiktas ee magaalada Istanbul waxaa laga dareemayaa ololaha doorashooyinka ku soo foodleh dalka Turkiga. Balse taasi ayaan waxba ka badelaynin ololaha ay wadaan kooxda mucaaradka ee ka qeybgalaya doorashada lagu wado inay dhaco 24 bisha June . “Waa in aan xarumaha lagu codbixinayo aan ...

Read More »

Akhriso: Madaxwenaha Dalka Mareykanka oo Kulan Afur u Sameeyey Safiirada Jooga Dalkiisa oo Islaamka Ah

Kulankan afurka ah oo ka dhacay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Jey Trump,kaasi oo xalay loo qabtay  diblomaasiyiin ka socda qaar ka mid ah safaaradaha dalalka Islaamka ee u fadhiya wadankaasi Mareykanka. Kulankaasi ayaa waxaa goob joog ahaa safiirada in kabadan 50 dal oo kamid ah dowladaha Islaamka ee Dunida,kuwaasi oo la kulmay ...

Read More »

Madaxweynaha Maraykanka iyo Dhigiisa Kuuriyada Waqooy Kulankoodii la-shaaciyay..

Kulanka aadka looga dhursugayo ee dhex maraya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dhici doona hoteel ku yaalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka. Kulankan taariikhiga ah ee la qorsheeyay ayaa dhici doona 12 Juunyo, laakiin wali macluumaad badan oo la xaqiijiyay lagama hayo. Waxay noqon ...

Read More »

Vladimir Putin Cunaqabatayntu Cidwalbay u Daran Tahay..

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabataynta reer Galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka “ay dhibaato ku tahay cid walba”in la qaadana ay dan ugu jirto qof walba. Isaga oo ka hadlaya Austria ayuu sheegay in dhaqaalaha Ruushku uu u korayo si miisaaman, inkastoo Midawga Yurub iyo Maraykanka ay cunaqabataynno ku soo rogeen Ruushka ka dib markii uu Ukraine ...

Read More »

Akhriso: Dad Badan oo ku Dhintay Volcano ka Qaraxday Dalka Gu’antamala..

Qarax xoogan oo Volcano ah ayaa ku dhuftay Dalka Guantamaala oo dhaca Waqooyiga Ameerika,kaasi oo geystay khasaare xoogan oo Naf iyo Maalba leh,waxaana jira barakac iyo kala carar ay sameynayaan bulshada uu saameeyey. War ay soo saareen saraakiisha Sare ee Dowladda Dalkaasi ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 75 qof ay geeriyoodeen 192 qof la la’yahay,taas oo ka dhalatay qaraxa ...

Read More »

Ruushku ma rabo in uu Yurub kala qaybiyo..

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku uusan doonaynin in uu kala qaybiyo Midawga Yurub. Haddalkiisaas ayaa yimid ka hor booqashada Austria, waana markii koobaad ee uu booqasho ku tago dal Galbeedka Yurub ku yaalla ku dhawaad muddo sannad ah. Warbaahinta ORF ee dalka Austria ayuu u sheegay in uu doonayo “Yurub oo mid ah oo barwaaqo ah”. wuxuuna ...

Read More »

Madaxweynaha Dalka Suuriya oo Booqday Dalka Kuuriyada Waqooyi

Waa markii ugu horraysay ee hoggaamiyaha kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu marti galiyo hoggaamiye dawladeed tan iyo markii uu xukunka qabtay sanadkii 2011. Waxa uu dhawaan qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo dhowr ah, asagoo la kulmay Madaxweynaha Shiinaha bishii May, ayadoo sidoo kale la filayo in uu ka qayb galo bishaan shir madaxeed uu la yeesho madaxweyne Donald Trump. Suuriya oo ...

Read More »

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo Xilalka ka Qaaday Saraakiil Sar Sare ee Dalkiisa

Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha dalkaasi uu si deg deg ah xilka uga qaaday Saddex Sarkaal oo Sarsare, kuwaasoo hoggaamin jiray ciidamada Xoogga. Kim Jun U-n ayaa laga soo xigtay in arintaan ay qeyb ka tahay horumaradda iyo Isbadeladda ka hana qaaday dalkaasi oo muddo ay saarneyn cuna qabateyn adag. Dadka Kuuriyada Waqooyi ...

Read More »

Jaamacadda Carabta ayaa ka Hortimid diidmada Mareykanka ee Qadiyadda Falastiin.

Jaamacadda Carabta ayaa maalinimadii shalay cambaarasay diidmadii Maraykanku kaga soo horjeestay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,kaas oo ogolaanayey in shacabka Falastiin ay helaan damaanad ku aadan amni iyo nol Hadal laga sii daayey xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu caqabad ku yahay qaraar kasta oo lagu joojinaayo dhiigga laga daadinayo dadka aan wax galabsan ...

Read More »

Al-Shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad ku dhacday Shabeelaha Hoose

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen diyaarad Drone ah tasoo kusoo dhacday degaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaarado ay kusoo dhacay meelo Beero ku yaallaan oo ku dhow degaanka Mubaarak oo ka tirsan Shabeelaha Hoose. Waxay Shabaab ku sheegeen baraha ay wararka ku faafiyaan in diyaaradan laga leeyahay dalalka reer ...

Read More »