Home / WARARKA CAALAMKA (page 20)

WARARKA CAALAMKA

Isbadallo deg deg ah oo laga dareemay Jigjiga.

Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan markii ay dib u habeyn lagu sameeyay xisbiga talada haya, waxaa magaalada Jig Jiga laga dareemayaa isbadalo aanan horay loo arag. Waxaa magaalada ka qabsoomaya shirar kala duwan oo noocooda oo kale horey mamnuuc u ahaa, waxaana laga jeedinayaa hadalo aad uga duwan kuwii hore. ...

Read More »

Meyd laga helay xeebta Boosaaso,

Labo caruur ah ayaa saaka meydkooda waxaa laga helay  xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Caruurtan inta aana meydkooda lasoo helin, ayaa muddo waxaa la weysanaa halka ay jaan iyo cirib dhigeen. Burhaan Ismaaciil oo mid kamid ah caruurta ay baddu liqday waalid u ah ayaa sheegay in caruurtan ay muddo weysanaayeen, balse markii danbe lagu soo wargaliyay in laga ...

Read More »

Mas’uul Ka Tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Oo Musuq Maasuq Ku Eedeysan Oo Damaanad loo Diiday in lagu Siidaayo,

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa la hogeeyey Masuul loo heysto Masuqmaasuq oo Maanta qorshuhu ahaa in damaaanad lagu sii daayo balse taasi aysan dhicin. Qareenada u doodaya C/Shakur oo ka tirsan wasaarada maaliyadda loona heysto masuqmaasuq ayaa waxa ay sheegeen in uusan xabsiga kusii jiri karin maaadaama uu qabo Cudurka Macaanka. Maxkmada G/Banaadir ayaa diiday in masuulkaasi lagu siidayo damaanad,waxaana ...

Read More »

Sawirro,Ciidanka Kenya Oo Burburiyeen Xarun Ay Laheyd Shirkada Hormuud.

Wararka naga soo gaaraya degamda dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay burburiyeen Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Jormuud ku laheyd deegaan duleedka ka ah degamdaas. Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in Miino ay ku xireen ka dibna ay ku qarxiyeen laanta Hormuud ee tuulada Calibuley oo 30KM dhanka woqooyi uga beegan degmada Dhoobley ee Gobolka ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo balanqaad shaqo abuur ah u sameeysay ku dhawaad 1,000 dhalinyaro ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ku adkeeyay in uu codsiyada shaqo ka qabto kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si caddaalad ah, ...

Read More »

Kooxo Xagjir ah iyo kuwo qunyar-socod ah oo sameeyay banaanbaxyo iska soo hor jeeda,

Dad ka tirsan caddaanka xagjirka ah ee aaminsan sareynta caddaanka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Aqalka Cad, balse waxaa ka tiro batay dadka qunyar-socodka ah oo meel aan ka fogeyn ka sameeyay banaanbax ay kaga soo horjeedaan dhaqdhaqaaqa xagjirka. Illaa 20 qof oo taageerayaasha xagjirka ah ayaa isugu soo baxay Washington, iyaga oo xusaya sanad kadib maalintii ay ...

Read More »

Kooxo Cunsuriyiin ah oo ka horyimid Xafladii Ololaha Ilhaan Cumar,

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Koox Cunsuriyiin ah oo kasoo horjeedda dadka Muslimiinta ah in ay Carqaladeeyeen Xaflad Olole oo ay qaban rabeen Ilhaan Cumar iyo Gabadh u dhalatay Falastiin oo u sharaxan Koongareeska Mareykanka. Ilhaan iyo Rashida Tlaib Waxa ay ku tartamayaan kuraas kala duwan,waxaa ay Minnesota ku qabsadeen xaflad ololaha doorashada ay kula hadli lahaayeen taageerayaashooda. Warbaahinta ...

Read More »

Ciidamada Liyuu Boolis oo Dhaawacay NinMas’uul ka aha….

Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale, qaybta Itoobiya ay maamusho, ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey Liyuu booliska inay xalay toogasho ku dhaawaceen. Wuxuu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu booliska “inay qaataan gaari dabdamis ah oo magaaladu lahayd”. Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaaray, oo ...

Read More »

Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomalia oo Hargeysa laga soo musaafuriyay,

Afhayeenkii Hore ee Wasaaradda Amniga C/caziiz Xildhibaan ayaa laga soo masaafuriyay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaliland. Soomaliland ay laba midkood doorasiisay Xildhibaan In Jeelka uu liinta ku cabo iyo in uu Muqdisho dib ugu laabto waxaana uu doortay in lasoo tarxiilo. Bartiisa Facebooka ayuu kusoo qoray Hargeysa ayaa leyga soo masaafuriyay waxaana la ii sheegay in aan la i ...

Read More »

Sacuudiga oo soo Celiyay Xoolaha Somalia Maxaa sababay?

owladda sacuudiga ayaa soo celisay markab siday xoolo badan oo laga dhoofiyay dalka soomalia. Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay xoolihii Soomalia laga dhoofiyay ee dhawaan ay iska soo celisay in ay qabeen cudur ku dhaca xoolaha. Xoolahan oo ahaa 27,000 oo neef ari ahaa ayey boqortooyadu sheegtay in laga helay cudurka ku dhaca xoolaha ee lagu magacaabo (Rift Valler Fever). Dowladda ...

Read More »

SAWIRO, Dekeda Magaaladda Muqdisho oo habeenkii shaqeesa,

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Dekedda Muqdisho ay shaqeyso xilli habeen ah ka dib markii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo Amray in si deg deg ah dekedda Habeenkii looga shaqeysiiyo.  

Read More »

SAWIRO, R/W Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Wado Laami,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay wadada Xeebta Liido ee degmada C/Casiis. Wadadaan oo burbursaneyd 28 sano ee la soo dhaafay ayaa hada waxaa la saaraya sida qorshaha uu yahay laami cusub. Lacagaha lagu dhisayo wadadaan 25% waxaa bixinaya Xukuumada uu hogaaminayo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre. Munaasabada dhagax dhiga wadadaan waxaa goobjoog ka ahaa ...

Read More »

Shir lagu daahfuray golaha dhaqalaha oo Muqdisho lagu qabtay

Wasaaradda qorsheeynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa maanta waxa ay magaalada Muqdisho ku qabatay madal lagu furayay  shaqada Golaha dhaqaalaha qaranka, oo dhawaan la magacaabay. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa Daah furay Golaha wuxuuna sheegay in kaalin muhiim ah ay goluhu ka ciyaari doonaan koboca dhaqaalaha Qaranka. Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Jamaal Xasan oo kulankan lagu ...

Read More »

Mid Kamid Ah Suuqyada Ugu Waweeyn Muqdisho Oo laxeray Maxaa Sababay,

Waxaa Maanta gebi ahaanba la xirey Goobihii Ganacsiga ee Xaafada  Suuq boocle ee degmada Dharkenley, ka dib markii Ganacsatada Suuqaasi lagu amrey in ay bixiyaan lacago uu Maamulka ku soo rogay. Qaar ka mid ah Ganacsatada oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in Todobaadkii la soo dhaafay loo keenay Warqad ka timid maamulka degmada taas oo lagu amrayey ...

Read More »

Wasiir hore oo Sheegay in uu u taaganyahay Xika Madaxtinimo Ee….

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay maamulka Puntland inuu galayo doorasho u gaar ah oo masiirkooda iyo rabitaankooda ku dhisan. Wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo cid kasta ay kaga digayaan inay faraha la soo galaan doorashada Madaxweyne-nimo oo dhawaan ka dhaceysa degaanada Puntland. “Dowladda Federaalka, Puntaland doorasho ayay galeysaa, waa ...

Read More »