Home / ARRIMAHA BULSHADA (page 20)

ARRIMAHA BULSHADA

Madaxweynaha Farmaajo iya oo beri booqan doona Jabuuti,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Safarka Madaxweynaha waxaa qeyb ka noqonaya Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, iyada magaalada Jabuuti looga diyaar garoobayo soo dhaweynta Madaxweynaha. Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay salka ku haysaa sii xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada ...

Read More »

Doorasho ka dhacday dalka Mareykanka oo ay ku guuleysteen Gabdho Soomaaliyeed,

Doorashada xalay ka dhacday Mareykanka ayaa Soomaalida ku guuleysatay waxa ay kala yihiin Ilhaan Cumar oo ku soo baxday golaha Congres-ka dalka Mareykanka, Hodan Xasan oo ku guuleysatay golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan. Ilhaan Cumar oo horey uga mid aheyd Aqalka Wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa waxa ay doorashadaasi ...

Read More »

Koonfurta Kuuriya oo mamnuucaysa ku dhawaad 20,000 gawaarida BMW,

Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay wadooyinka dalkeeda ka mamnuucayso qiyaastii 20,000 oo ah nooc ka mid ah gawaarida BMW, ka dib markii uu dab ka kacay marar badan. Mamnuucitaankan ayaa qaban doono gawaarida aan sida mutadawacnimada ah wali dib loogu celinin shirkadda BMW si loogu sameeyo baaritaan dhanka ammaanka ah. Ku dhawaad 30 matoor oo gawarida shirkadda ah ...

Read More »

Ilaa Afar Ruux Oo Ku Geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay Deegaan Ka Tirsan Soomaaliland,

Dhimashada Afarta ruux ayaa timid ka dib markii ay shil ku galeen shalay gelinkii dambe gaari ay wateen duleedka Magalada Gibiley,waxana la sheegay in sidoo kale lix Ruux ay shilkaasi ku dhaawacmeen. Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA ayay la socdeen dadkaas,waxana gaariga ka baxay mid ka mid ah taayaradiisa taas oo keentay in uu wadada ka baxo,sida ay Warbaahinta ...

Read More »

Bakayoko oo Heshiis lagalay AC Milan,

Tiemoue Bakayoko ayaa ugu dambeyn dhammeystiray heshiiskiisa ku biiritaanka AC Milan. Chelsea ayaa ciyaaryahankan Serie A u dirtay hal xilli ciyaareed oo amaah ah, oo ay ku jirto €35m oo ay xagaaga dambe ku iibsan karto. 23-jirkan oo hal jeer u saftay xulka qaranka France ayaa lasoo bandhigi doonaa maalinta Jimcaha oo taariikhda ku beegantahay 17-ka August 2018. Bakayoko oo ...

Read More »

SAWIRO: Booliska Itoobiya oo qabteen hub iyo Walxa Qarxa,

Ciidamada Booliska dowlad degaanka Tigreedda ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen hub iyo Waxyaabaha Qarxa oo la doonaayay in lasoo galiyo Gudaha dowlad degaanka. Waxa ay sheegeen Ciidamada Booliska in qaar ka mid ah dadka degaanka ay soo sheegeen in Qaraxyo hub loo soo waddo Caasimadda dowlad degaanka Tigreedda. Tirada walxaha qarxa ee la qabtay waxaa ay gaareysaa ...

Read More »

Isbadallo deg deg ah oo laga dareemay Jigjiga.

Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan markii ay dib u habeyn lagu sameeyay xisbiga talada haya, waxaa magaalada Jig Jiga laga dareemayaa isbadalo aanan horay loo arag. Waxaa magaalada ka qabsoomaya shirar kala duwan oo noocooda oo kale horey mamnuuc u ahaa, waxaana laga jeedinayaa hadalo aad uga duwan kuwii hore. ...

Read More »

Meyd laga helay xeebta Boosaaso,

Labo caruur ah ayaa saaka meydkooda waxaa laga helay  xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Caruurtan inta aana meydkooda lasoo helin, ayaa muddo waxaa la weysanaa halka ay jaan iyo cirib dhigeen. Burhaan Ismaaciil oo mid kamid ah caruurta ay baddu liqday waalid u ah ayaa sheegay in caruurtan ay muddo weysanaayeen, balse markii danbe lagu soo wargaliyay in laga ...

Read More »

Mas’uul Ka Tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Oo Musuq Maasuq Ku Eedeysan Oo Damaanad loo Diiday in lagu Siidaayo,

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa la hogeeyey Masuul loo heysto Masuqmaasuq oo Maanta qorshuhu ahaa in damaaanad lagu sii daayo balse taasi aysan dhicin. Qareenada u doodaya C/Shakur oo ka tirsan wasaarada maaliyadda loona heysto masuqmaasuq ayaa waxa ay sheegeen in uusan xabsiga kusii jiri karin maaadaama uu qabo Cudurka Macaanka. Maxkmada G/Banaadir ayaa diiday in masuulkaasi lagu siidayo damaanad,waxaana ...

Read More »

Sawirro,Ciidanka Kenya Oo Burburiyeen Xarun Ay Laheyd Shirkada Hormuud.

Wararka naga soo gaaraya degamda dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay burburiyeen Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Jormuud ku laheyd deegaan duleedka ka ah degamdaas. Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in Miino ay ku xireen ka dibna ay ku qarxiyeen laanta Hormuud ee tuulada Calibuley oo 30KM dhanka woqooyi uga beegan degmada Dhoobley ee Gobolka ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo balanqaad shaqo abuur ah u sameeysay ku dhawaad 1,000 dhalinyaro ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ku adkeeyay in uu codsiyada shaqo ka qabto kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si caddaalad ah, ...

Read More »

Kooxo Xagjir ah iyo kuwo qunyar-socod ah oo sameeyay banaanbaxyo iska soo hor jeeda,

Dad ka tirsan caddaanka xagjirka ah ee aaminsan sareynta caddaanka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Aqalka Cad, balse waxaa ka tiro batay dadka qunyar-socodka ah oo meel aan ka fogeyn ka sameeyay banaanbax ay kaga soo horjeedaan dhaqdhaqaaqa xagjirka. Illaa 20 qof oo taageerayaasha xagjirka ah ayaa isugu soo baxay Washington, iyaga oo xusaya sanad kadib maalintii ay ...

Read More »

Kooxo Cunsuriyiin ah oo ka horyimid Xafladii Ololaha Ilhaan Cumar,

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Koox Cunsuriyiin ah oo kasoo horjeedda dadka Muslimiinta ah in ay Carqaladeeyeen Xaflad Olole oo ay qaban rabeen Ilhaan Cumar iyo Gabadh u dhalatay Falastiin oo u sharaxan Koongareeska Mareykanka. Ilhaan iyo Rashida Tlaib Waxa ay ku tartamayaan kuraas kala duwan,waxaa ay Minnesota ku qabsadeen xaflad ololaha doorashada ay kula hadli lahaayeen taageerayaashooda. Warbaahinta ...

Read More »

Ciidamada Liyuu Boolis oo Dhaawacay NinMas’uul ka aha….

Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale, qaybta Itoobiya ay maamusho, ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey Liyuu booliska inay xalay toogasho ku dhaawaceen. Wuxuu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu booliska “inay qaataan gaari dabdamis ah oo magaaladu lahayd”. Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaaray, oo ...

Read More »

Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomalia oo Hargeysa laga soo musaafuriyay,

Afhayeenkii Hore ee Wasaaradda Amniga C/caziiz Xildhibaan ayaa laga soo masaafuriyay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaliland. Soomaliland ay laba midkood doorasiisay Xildhibaan In Jeelka uu liinta ku cabo iyo in uu Muqdisho dib ugu laabto waxaana uu doortay in lasoo tarxiilo. Bartiisa Facebooka ayuu kusoo qoray Hargeysa ayaa leyga soo masaafuriyay waxaana la ii sheegay in aan la i ...

Read More »