Home / ARRIMAHA BULSHADA / SAWIRO,Tiro ku dhaw 100 ruux oo ku dhinteen qaraxyo ka dhacay dalka Sri Lanka,

SAWIRO,Tiro ku dhaw 100 ruux oo ku dhinteen qaraxyo ka dhacay dalka Sri Lanka,

Qaraxyadaas oo gaaraya ilaa Lix ayaa ahaa kuwo  aad u waa weyn,waxaana ay Maanta ka dhaceen kaniisado iyo iyo hoteello ku yaalla Magalada Colombo oo ah Caasimada dalka Sri Lanka.

Xilluiga ay qaraxyada dhacayeen ayaa waxaa lagu jiray ciida Masiixiga,waxaana sigaar ah ay uag dhaceen kaniisdo iyo Hoteelo ku yaalla degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa, sida ay shaacinayeen warbaahinta Caalamka qaarkood.

Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Sawirro la soo dhigay Baraha Bulsahda ayaa la arkayey dhiig farabadan oo daadsan mid ka mid ah Kaniisadaha la weeraray,waxaana la rumeysan yahay in dadka wax ku noqday qaraxyadaas ay ku jiraan dalxiisayaal shisheeye.

Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka caawiyaan laamaha ammaanka.

Majirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi qaraxyada ah, iyada oo ay horay u jirtay inay rabshado dhexmareen Muslimiinta iyo dad aaminsan diinta  Buudiistaha oo dadka qaar ay aaminsan yihiin

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

DAAWO, MADAXWEYNE ISMACIIL CUMAR GEELLE OO SIR CULUS BANAANKA SOO DHIGAY OO DP WORLD IYO IMARADKA…

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...

Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Lawrenson Ee ku aadan Kulamada 32aad,

Liverpool ayaa mar kale halgan u geli doonta inay sii xajisato hoggaanka Premier League marka ay Axadda ...