Home / ARRIMAHA BULSHADA / Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu jira Carruur iyo Haween, kadib markii dadkaasi ay boorashka ka cabeen Xarumo laga qeybinayay oo ku yaalla Degmooyinka Kaxda iyo Waaberi ee Magalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Banaadir ee Magalada Muqdisho,waxaana ay isugu jiraan kuwo Koomo galay iyo kuwa xaaladooda Caafimaad ay soo wanaagsanaaneyso,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo Isbitaalka ku booqatay ayaa uga digtay dadka Muqdisho inay tagaan Xarumaha lagu karinayo boorashka ee dadku ay ku waxyeeloobeen.

Waxaa sidoo kale ay ugu baaqday Maamulayaasha MCH- yada ku yaallka Gobolkan Banaadir inaysan karin boorashkaas ilaa baaritaan dhab ah lagu sameeyo maadaama dad badan oo Carruur iyo Haween isugu jira ay ku waxyeeloobeen.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada qaar ka mid ah dadka ku somoobay boorashka ay cabeen ee la jiifiyey Isbitaalka Banaadir ay soo hagaageyso halka weli dadka qaarkood ay koono ku jiraan.

Dhageyso Codka  Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...

Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Lawrenson Ee ku aadan Kulamada 32aad,

Liverpool ayaa mar kale halgan u geli doonta inay sii xajisato hoggaanka Premier League marka ay Axadda ...

Shir ay yeelan lahayeen Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo fashilmay,

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa 28-dii Bishii koowaad ee Sanadkaan Magaalada Garowe kaga dhawaaqay in Bisha ...

Dhageeyso)Madaxweynha D/F,Somaaliya oo ka hadlay Qaab dhismeedka Caasimada,

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dhamestirtay hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo dib ...