Home / ARRIMAHA BULSHADA / Dhageeyso)Madaxweynha D/F,Somaaliya oo ka hadlay Qaab dhismeedka Caasimada,

Dhageeyso)Madaxweynha D/F,Somaaliya oo ka hadlay Qaab dhismeedka Caasimada,

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dhamestirtay hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo dib u eegista Sharciga Xisbiyada siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka. Waxaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo sheegay in Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ka wada xaajoon doonaan qaab dhismeedka Maqaamka Caasimadda iyo dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka. Arrinta la xiriirta maqaamka Caasimadda ayaa Madaxweyne farmaajo markii ugu horeysay uu ka hadlay,waxaana Dowladihii dalka soo maray iyo tan hadda jirta aysan ku guuleysan in la helo Maqaamka Caasimadda iyo hanaanka ay federaaleynta ku dhex yeelaneyso. Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa mar soo hadal qaaday arrimo la xiriira maqaamka Caasimadda, hayeeshee khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Xukuumadda uu xilkiisii ku waayay. Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...

Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Lawrenson Ee ku aadan Kulamada 32aad,

Liverpool ayaa mar kale halgan u geli doonta inay sii xajisato hoggaanka Premier League marka ay Axadda ...

Shir ay yeelan lahayeen Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo fashilmay,

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa 28-dii Bishii koowaad ee Sanadkaan Magaalada Garowe kaga dhawaaqay in Bisha ...