Home / ARRIMAHA BULSHADA / Xiliga oo garoomada ka maqnaan doono Ronaldo oo la shaaciyey,

Xiliga oo garoomada ka maqnaan doono Ronaldo oo la shaaciyey,

Xidiga Kooxda Kubadda Cagta ee juventus Cristiano Ronaldo ayaa dhawaan dhaawac dhinaca muruqa uu soo gaaray intii lagu guda jiray kulankii ay ku wada ciyaareen xulalka Portulgal iyo Serbia, kaas oo ka tirsanaa isreeb reebka koobka Euro 2020-ka.

Cristiano Ronaldo maray dhowr baaritaano caafimaad, taasoo lagu ogaaday inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kooxda reer Talyaani ee Juventus, hayeeshee waxaa warar kala duwna kasoo baxayaan mudada uu garoomada ka maqnaan doono

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Talyaaniga ayaa waxay sheegayaan in Cristiano Ronaldo uu dib ugu laaban doono magaalada Torino maanta oo Arbaco ah, si uu uga soo kabsado dhaawiciisa.

Wargeyska caanka ah “AS” ayaa shaaciyey in Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo uu garoomada ka maqnaan doono 10 ilaa 15 Maalmood, iyada oo shaki la gelinaayo in uu ka qeyb galo ciyaarta adah ee dhex mari doonto kooxaha Juventus iyo Ajax taas oo ka tirsan  wareega 8-da ee tartanka Champions League.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...

Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Lawrenson Ee ku aadan Kulamada 32aad,

Liverpool ayaa mar kale halgan u geli doonta inay sii xajisato hoggaanka Premier League marka ay Axadda ...

Shir ay yeelan lahayeen Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo fashilmay,

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa 28-dii Bishii koowaad ee Sanadkaan Magaalada Garowe kaga dhawaaqay in Bisha ...