Home / ARRIMAHA BULSHADA / Doorasho qof iyo Cod ah oo lafilaayo in lagu qabto Puntland,

Doorasho qof iyo Cod ah oo lafilaayo in lagu qabto Puntland,

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in doorasho qof iyo Cod ah ay ka bilaabi doonaan degmooyin ka mid ah maamulka Puntland si dadka shacabka ah ay u doortaan Golaha degaanka Degmooyinka iyo Duqa Magaalada.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad  Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in saddex degmo oo Puntland ka tirsan si tijaabo ah doorasho qof iyo cod ah looga samayn doono dhammaadka sannadkan 2019.

Mudane Dhabancad ayaa sheegay in haddii tijaabadaasi guulaysato dhammaan degmooyinka Puntland sannadka soo socda laga qaban doono doorashooyinka golayaasha degaanka oo loogu tartami doono nidaamka qof iyo cod.

U jeedadka ugu weyn ayuu sheegay in ay tahay in dadka Shacabka ay isku dayaan in ay soo doortaan maamulka Hoggaamin doona, islamarkaana ay horudhac u tahay doorashadda Guud ee Puntland ee Shan sano ka dib.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

DAAWO, SHACABKA REER LAASCAANOOD OO KA HORYIMID IN BUUGA CAADIFADA LAGU DHIGO SKUULADA LAASCAANOOD,

DAAWO, MADAXWEYNE ISMACIIL CUMAR GEELLE OO SIR CULUS BANAANKA SOO DHIGAY OO DP WORLD IYO IMARADKA…

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...