Home / ARRIMAHA BULSHADA / Jubbaland Axmed Madoobe Oo Maanta kusoo wajahan Magalada Muqdisho,

Jubbaland Axmed Madoobe Oo Maanta kusoo wajahan Magalada Muqdisho,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo gaaro Magalada Muqdisho, iyada oo diyaar garowga soo dhaweyntiisa ay ka socoto Magalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu imaanayo Magalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland  markii uu Kismaayo tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii uu soo gaaro Magalada Muqdisho waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro xalinta mad madowgii soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey,waxaana la xiray wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho, kuwaas oo gaadiidka dadweynaha loo diidayo inay isticmaalaan.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...

Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Lawrenson Ee ku aadan Kulamada 32aad,

Liverpool ayaa mar kale halgan u geli doonta inay sii xajisato hoggaanka Premier League marka ay Axadda ...

Shir ay yeelan lahayeen Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo fashilmay,

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa 28-dii Bishii koowaad ee Sanadkaan Magaalada Garowe kaga dhawaaqay in Bisha ...