Home / ARRIMAHA BULSHADA / Jawaari Soomaalida Ugu Baaqay Inay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amaanka,

Jawaari Soomaalida Ugu Baaqay Inay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amaanka,

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa cambaareeyay qaraxii Al shabaab ay ka geysteen meel u dhow dhismaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya, halkaasoo ay ku geeriyoodeen dad aan waxba galabsan oo uu ku jiro Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo Sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada.

“Innaa lillaa wa innaa ileehi raajicuun Allaha ha u naxriisto dhamaan dadkii ku geeriyooday falkaasi oo uu ku jiro wasiirkii ku Xigeenkii wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo intii kale ee ku dhaawacantayna bogsiimo deg deg Allaha ha siiyo” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Waxa uu Sidoo kale ku amaanay Ciidamada amaanka qaranka sida ay usoo gaba gabeeyeen tiro ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay gudaha u galaan dhismaha wasaaradda, howlwadeenada wasaaradda iyo dadkii kale ee gudaha dhismaha ku jiray kuwaas oo ciidamada amaanka ay toogteen inta aysan gaarin dhagartii ay damacsanaayeen.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka, si looga hortago dagaal ka dhan ah Al-shabaab

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...

Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Lawrenson Ee ku aadan Kulamada 32aad,

Liverpool ayaa mar kale halgan u geli doonta inay sii xajisato hoggaanka Premier League marka ay Axadda ...

Shir ay yeelan lahayeen Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo fashilmay,

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa 28-dii Bishii koowaad ee Sanadkaan Magaalada Garowe kaga dhawaaqay in Bisha ...