Home / ARRIMAHA BULSHADA / SAWIRO, Ciidan Dowladda ka Tirsanaa oo ka soo baxay Saldhigyo ay ku lahaayeen Gobalka Sh/Dhexe,

SAWIRO, Ciidan Dowladda ka Tirsanaa oo ka soo baxay Saldhigyo ay ku lahaayeen Gobalka Sh/Dhexe,

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho ay ka heleyso deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay isaga soo baxeen deegaano ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada ayaa waxaa ay kasoo baxeen Garoonka Diyaaradaha Jowhar, degmada Mahadaay iyo deegaanada Qalimow iyo Garsaale ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana ciidamadaas ay sheegeen in ay ka cabanayaan mushaar la’aan,isla markaana dhowr bilood aysan qaadan wax mushaar ah

Ciidamadaas oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay Maanta ku sugan yihiin degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin Magalada Muqdisho.

Saldhigyadii ay ciidamadaas kasoo baxeen ayaa waxaa sidoo kale ku haray Ciidamo kale oo aan badneyn,waxaana ciidamadaas kasoo baxay deegaano ka tirsan Shabeellaha dhexe ay badi sheegeen in Mushaar iyo raashin intaba dhowr bilood aysan helin.

Maalma ka hor ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ay kasoo baxeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la wareegeen Ururka Al-Shabaab

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

DAAWO, SHACABKA REER LAASCAANOOD OO KA HORYIMID IN BUUGA CAADIFADA LAGU DHIGO SKUULADA LAASCAANOOD,

DAAWO, MADAXWEYNE ISMACIIL CUMAR GEELLE OO SIR CULUS BANAANKA SOO DHIGAY OO DP WORLD IYO IMARADKA…

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...