Home / ARRIMAHA BULSHADA / Zidane oo Raba in uu Liverpool kala soo wareego Mane,

Zidane oo Raba in uu Liverpool kala soo wareego Mane,

Kooxda Real Madrid xagaagan waxay ku qasban tahay suuqa Yurub inay lacago adag galiso sidoo kalena cayaartooy tayo wanaagsan soo qaadato haatana waxaa la ogaaday in macalin Zidane qorshaha kowaad ugu jiro sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa Sadio Mane oo naadiga Liverpool ka tirsan.

Ma ahan markii ugu horeesay Sadio Mane lala xariiro Real Madrid waayo sanadkii hore markii Real Madrid 3-1 kaga qaaday koobka horyaalada Yurub naadiga Liverpool macalin Zidane wuxuu maamulka Madrid weydiistay in Mane loo keeno balse Zidane isaga ayaa kooxda isaga tagay markii arimo hoose la isku fahmi waayay dhanka go’aamada kooxda iyo keenista cayaartooyda caanka ah

Haatan Zidane Madrid dib ayuu ugu soo laabtay weliba asigoo awood badan oo gacanta loo galiyay go’aan walbo sidaa darteed France Football ayaa qoreyso in Mane xagaagan Real Madrid la geyn doono sidoo kalena lacag walbo Zidane ku bixin doono sidii uu xidigan Reds kaga soo qaadan lahaa.

Sadio Mane waa 26-jir Senegel u dhashay Senegal kuna jiro xili cayaareed qurux badan asigoo 17-gool Premier League ka dhaliyay waxayna ku noqon doontaa Liverpool arin adag inay xidigooda muhiimka ah Real Madrid ka ceshtaan waayo Zidane 300m oo pound ayaa la siin doonaa si uu saxiixyo caan ah u sameeyo xagaagan.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

DAAWO, SHACABKA REER LAASCAANOOD OO KA HORYIMID IN BUUGA CAADIFADA LAGU DHIGO SKUULADA LAASCAANOOD,

DAAWO, MADAXWEYNE ISMACIIL CUMAR GEELLE OO SIR CULUS BANAANKA SOO DHIGAY OO DP WORLD IYO IMARADKA…

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...