Home / ARRIMAHA BULSHADA / Soomaaliland oo Joojisay Dhaq dhaqaaq Ciidan Oo ay ka waday Gobolka Sanaag,

Soomaaliland oo Joojisay Dhaq dhaqaaq Ciidan Oo ay ka waday Gobolka Sanaag,

Wararka aanu ka heleyno Deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay  banaanbax ay dhigayeen shacabka deegaanka kaasi oo ay ku diidan yihiin dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland.

Maamulka Degmada Hadaaftimo ee Puntland ayaa dhankiisa beeniyay in Ciidanka Somaliland ay gudaha usoo galeen Degmada balse waxa uu sheegay in wali ay ku sugan yihiin Deegaanka Yubbe oo kudhaw degmadaasi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Soomaaliland ay joojiyeen dhaq dhaqaaqa Gaadiidka ka dhex shaqeyn jiray degmada Hadaaftimo iyo deegaanka Yubbe oo Soomaaliland ay ciidamo farabadan soo dhoobtay,isla markaana ay la walaacsan yihiin dadka Shacabka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ka taagnaa xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland, kadib markii Soomaaliland ay ciidamo farabadan geysay deegaanka Tubbe ee Bariga Gobolka Sanaag.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Dhulgariir ka dhacay magaalo ka tirsan dalka Kenya.

Waaxda Saadaasha Hawada Kenya ayaa hadda sheegtay in dhul gariirkii caawa 7:22 laga dareemay qeybo ka mid ...

Dhageyso:-Duqa Muqdisho Oo Gurigooda Ku Wareejiyey Qoys Muddo Laga Heystay

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ...

Akhriso,Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas wali Socota

Jugta Qarax labaad ayaa Goordhow laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo la sheegay in uu ka dhacay  ...

Ciidamada Dowladda oo Sheegeen Inay Qabteen Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab

Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa ...

Ururka Islaamka oo ka shireen xasuuq ka dhacay Masaajiddadii New Zealand

Waddamada ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka (OIC) ayaa shir deg deg ah ku yeeshay maanta magaalada Istanbul, ...