Home / ARRIMAHA BULSHADA / AKHRISO,Midowga Yurub oo Malaayiin Lacag ah ugu Deeqay Somaaliya,

AKHRISO,Midowga Yurub oo Malaayiin Lacag ah ugu Deeqay Somaaliya,

Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ka fulin doonaan Barnaamij lagu kordhinaayo horumarada Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto  lacag dhan 94 Milyan oo Dollar

Wakiilka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Amba. Fulgencio Garrido-Ruiz ayaa Arbacadii shalay sheegay in iyaga iyo dalalka ay wadashaqeynta la leeyihiin ay siwadajir ah u fulin doonaan mashaariicdaas,isla markaana laga gol leeyahay xasilinta iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Fulgencio Garrido-Ruiz ayaa waxa uu  sheegay in tallaabadaan inay tahay mid lagu kordhinaayo miisaaniyadda Dowladda, si loo xoojiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub,isla markaana dowladda ay ku bixiso qarashaadka la xiriira shirarka iyo adeegyada kale ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya waxa uu ka taageeraa dhinacyo farabadan, sida ammaanka, tababarida Ciidamada Dowladda,bixinta mushaaraadka iyo arrimaha Siyaasada,waxaana sidoo kale Midowga Yurub uu maalin ka hor Kismaayo ka furay mashruuc bilaaw u ah mid laga fulin doono dhamaan dalka Soomaaliya.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Dhulgariir ka dhacay magaalo ka tirsan dalka Kenya.

Waaxda Saadaasha Hawada Kenya ayaa hadda sheegtay in dhul gariirkii caawa 7:22 laga dareemay qeybo ka mid ...

Dhageyso:-Duqa Muqdisho Oo Gurigooda Ku Wareejiyey Qoys Muddo Laga Heystay

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ...

Akhriso,Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas wali Socota

Jugta Qarax labaad ayaa Goordhow laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo la sheegay in uu ka dhacay  ...

Ciidamada Dowladda oo Sheegeen Inay Qabteen Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab

Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa ...

Ururka Islaamka oo ka shireen xasuuq ka dhacay Masaajiddadii New Zealand

Waddamada ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka (OIC) ayaa shir deg deg ah ku yeeshay maanta magaalada Istanbul, ...