Home / ARRIMAHA BULSHADA / Maleeshiyaad dagaal ku dhexmaray Magaaladda Gaalkacyo oo Ciidamo ladhex dhigay,

Maleeshiyaad dagaal ku dhexmaray Magaaladda Gaalkacyo oo Ciidamo ladhex dhigay,

Saakay ayay aheyd markii dagaal culsu uu Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dhexmaray maleeshiyaad hubeysan oo isku-heystay dhul halkaasi ku yaalla, hayeeshee waxaa maleeshiyaadka la kala dhex-dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa waxaa uu geystay dhimashada 3 Ruux iyo dhaawaca 5 kale,waxaana ku baxay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo ku guuleystay inay joojiyaan dagaalkaas.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Puntland Col. Cismaan Xassan Cowke (Afdalow) oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinada ka howlgalla Puntland ayaa sheegay in Laamaha Amaniga Puntland iyo waxgaradka Gaalkacyo ay ku guuleysteen joojinta dagaalkaas,isla markaana ay Ciidamo kala dhex dhigeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay taliyaha in Odayaasha iyo waxgaradka Gaalkacyo ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa xiisada maleeshiyaadka dagaalamay, isla markaana uu rajeynayo in xal buuxa laga gaaro.

Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo mudo socday oo u dhaxeeyey Maleeshiyaad kala taabacsan Puntland iyo Galmudug, hayeeshee ugu dambeyn xal laga gaaray

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Dhulgariir ka dhacay magaalo ka tirsan dalka Kenya.

Waaxda Saadaasha Hawada Kenya ayaa hadda sheegtay in dhul gariirkii caawa 7:22 laga dareemay qeybo ka mid ...

Dhageyso:-Duqa Muqdisho Oo Gurigooda Ku Wareejiyey Qoys Muddo Laga Heystay

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ...

Akhriso,Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas wali Socota

Jugta Qarax labaad ayaa Goordhow laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo la sheegay in uu ka dhacay  ...

Ciidamada Dowladda oo Sheegeen Inay Qabteen Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab

Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa ...

Ururka Islaamka oo ka shireen xasuuq ka dhacay Masaajiddadii New Zealand

Waddamada ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka (OIC) ayaa shir deg deg ah ku yeeshay maanta magaalada Istanbul, ...