Home / ARRIMAHA BULSHADA / Muqdisho Wadooyinka qaarkood oo Maanta xiran,

Muqdisho Wadooyinka qaarkood oo Maanta xiran,

Ciidanka Ammaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen Wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho, Iyaga oo u diidaya inay isticmaalan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta Dowladda.

Wadooyinka ay Ciidamada Xireen ayaa waxaa ka mid ah laga bilaabo Isgoyska Ex-koontorool Afgooye iyo Isgoyska Sayidka,isla markaana Gaadiidka dadka Shacab ah ay wataan loo diidayo inay isticmaalaan, taas oo keentay in Shacabka ay lugeeyaan.

Sababaha wadooyinka qaar ee Muqdisho maanta loo xiray ayaa lagu sheegay in saacadaha soo socda la filayo in Magalada Muqdisho la keeno Meydka Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh jibriil, isla markaana Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

Xirnaanshaha wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa waxaa dhibaato ku qaba dadka Shacabka ah oo xilliyada Shaqada ama goobaha Waxbarashada ay ku wajahan yihiin wadooyinka laga xiro,isla markaana ay ku qasabto inay lugeeyaan.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

DAAWO, SHACABKA REER LAASCAANOOD OO KA HORYIMID IN BUUGA CAADIFADA LAGU DHIGO SKUULADA LAASCAANOOD,

DAAWO, MADAXWEYNE ISMACIIL CUMAR GEELLE OO SIR CULUS BANAANKA SOO DHIGAY OO DP WORLD IYO IMARADKA…

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...