Home / ARRIMAHA BULSHADA / Weerarkii xalay oo Subaxnimadii Saakay la soo afjaray iyo khasaare ka dhashay,

Weerarkii xalay oo Subaxnimadii Saakay la soo afjaray iyo khasaare ka dhashay,

Saakay oo lasoo afjay weerarkii xalay lagu qaaday
xalay lala eegtay hotelka Makkah Al-mukarrama iyo maqaayadda Hillaac UK 

Labo qarax oo xooggan oo laga maqlayay inta badan magaalada ayaa lala eegtay maqaayada Hilaac iyo Hotelka loo yaqaan Maka Al-Mukarama.

Qaraxyada ka dib ayaa waxaa la maqalay rasaas xooggan oo dhaceysay oo loo maleeynayo inay dhex mareysay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel dadku ku badan yihiin kuwaasi oo ku shaaheynayay kuna caweeeynayay.

An injured man is evacuated from the scene where a suicide car bomb exploded targeting a Mogadishu hotel in a business center in Maka Al Mukaram street in Mogadishu, Somalia. February 28, 2019. REUTERS/Feisal Omar

Wararku waxa ay sheegayaan in qaraxyada loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kuwaas oo ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama iyo maqaayadda Hillaac UK.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyada ayaa ah kuwo aad u ballaaran oo isugu jira naf iyo maalba, waxaana tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ay kor u dhaafayaan 20.

Isbitaalada oo la geeyay dhaawacyo badan ayaa waxaa ay dalbanayaan dhiigaga noocyadoodu kala duwan yihiin.

Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna sidoo kale sheegeen in dableydoodu ay gudaha u galeen huteelka Maka Al-Mukarama, balse gadaal laga xaqiijiyay in ay galeen dhismaha maqaayadda Hilaac oo hotelka ku dhaggan.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

DAAWO, SHACABKA REER LAASCAANOOD OO KA HORYIMID IN BUUGA CAADIFADA LAGU DHIGO SKUULADA LAASCAANOOD,

DAAWO, MADAXWEYNE ISMACIIL CUMAR GEELLE OO SIR CULUS BANAANKA SOO DHIGAY OO DP WORLD IYO IMARADKA…

Dhageyso:Dad ayaa waxay ku sumoobeen Boorash ay Cabeen Muqdisho,

Dadkaan ku sumoobay Boorashka ay cabeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 35 ruux oo isugu ...

Madaxweynaha Puntland Waxaan balanqaadayaa inaan ka hortagidoono cadawga,

Madaxweyne Dani Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada ...

Dhageyso, Madaxweyne Deni Oo balan qaaday in Ciidanka Puntland….

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo oo ...