Home / ARRIMAHA BULSHADA / Sawiro, Golaha Cusub Ee Wasiiradda Puntland Oo Khaarkood La Dhaariyey,

Sawiro, Golaha Cusub Ee Wasiiradda Puntland Oo Khaarkood La Dhaariyey,

Qaar Kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Wasiirada Cusub ee saaka la dhaariyey ayaa waxaa ay kala ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan(Majiino), Wasiir ku-xigeenka Wasaardda Cadaaladda Dr. Maxamed Cali Faarax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Axmed Cabdirxmaan Xirsi.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland, Ahna maamulaha xafiiska Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey dhaarinta sadexda Wasiir ee maanta ka qabsoontay Xafiiska Madaxweynaha Puntland..

Waxaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey sadex wasiir oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiir ku-xigeenka Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dr. Maxamed Cali Faarax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cabdirxmaan Xirsi” Ayuu yiri Ku-simaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Cabdicasiis Maxamuud Maxamed

Waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan maxkamada saree e Puntland, Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Madaxweynaha Puntland waxa uu kula dardaarmay Wasiirada cub in ay u shaqeeyaan dalkooda si karti leh, aqoon leh, cadaalad leh, ayna si siman ugu shaqeeyaan shacabka Puntland iyo kuwa 

Soomaaliyeedba, Madaxweynaha ayaa Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo xilka baaxadda leh ee loo igmaday”. Ayuu yiri Ku-simaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Cabdicasiis Maxamuud Maxamed

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Dhulgariir ka dhacay magaalo ka tirsan dalka Kenya.

Waaxda Saadaasha Hawada Kenya ayaa hadda sheegtay in dhul gariirkii caawa 7:22 laga dareemay qeybo ka mid ...

Dhageyso:-Duqa Muqdisho Oo Gurigooda Ku Wareejiyey Qoys Muddo Laga Heystay

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ...

Akhriso,Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas wali Socota

Jugta Qarax labaad ayaa Goordhow laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo la sheegay in uu ka dhacay  ...

Ciidamada Dowladda oo Sheegeen Inay Qabteen Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab

Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa ...

Ururka Islaamka oo ka shireen xasuuq ka dhacay Masaajiddadii New Zealand

Waddamada ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka (OIC) ayaa shir deg deg ah ku yeeshay maanta magaalada Istanbul, ...