Goolhaye Jens Lehmann ayaa goolka guusha u dhaliyay kooxda helyeeyada Arsenal oo ku garaacday halyeeyada Real Madrid ciyaar ka dhacday garoonka Emirates Stadium xalay.
Lehmann, oo ka tagay kooxda Arsenal xagaagan ka dib markii uu shaqada baneeeyay Arsene Wenger,
ayaa kusoo bilaawday ciyaartii samafalka aheyd ee u dhaxeysay kooxaha Arsenal iyo Real Madrid.
Ciyaartoydii hore ee Gunners ee ku soo bilaawday line-upka waxaa kamid ahaa Ray Parlor, Nigel
Winterburn, Tomas Rosicky iyo Robert Pires.
Claude Makelele, Fernando Morientes iyo Raul ayaa dhamaantood ku soo bilaawday safka halyeeyada Real Madrid.
Rosicky ayaa kubad qurux badan u dhex bixiyay bilowgii ciyaarta Jeremie Aliadiere, laakiin ma aysan noqon fursado uu ka faa’iideystay.
Labada koox ayaa isku garb dhacay, iyadoo ugu dambeyn rigoorayaal ay kubadiyeen halyeeyada Arsenal.
Pires, Gilles Grimandi, Matthew Upson iyo Aliadiere ayaa dhamaantood rigoore u dhaliyay Arsenal ka hor inta Lehmann badbaadin rigoore kadibna isla isaga uusan dhalin goolka guusha.