Xulka qaranka dalka Colombia ayaa guushii ugu muhiimsaneyd galabta gaaray, ka dib markii ay dhiggooda Senegal ay ku suul daareen 1-0.
Ciyaartan oo qaybtii hore kusoo dhammaatay 0-0, ayaa markii dib la isugu soo laabtay ayaa waxaa shabaqa kubbad madax ahayd geliyay difaaca koxda Barcelona ee Yerry Mina.
Colombia ayaa lix dhibcood yeelatay taasoo ka dhigan inay kaalinta koowaad kaga soo baxday Group-ka H.
Dhanka kale xulka qaranka Poland ayaa guushii ugu horreysay ee koobka adduunka gaaray iyagoo 1-0 kaga adkaaday Japan.
Xulalka Japan iyo Senegal ayaa noqday kuwa ka siman dhanka dhibacaha, goolasha ay dhaliyeen, kuwa laga dhaliyay, sidoo kalena kullankooda barbarro ayuu kusoo idlaaday.
Sidaas darteed waxaa sharciga FIFA ay u dejisay xaaladdan oo kale in lagu kala baxo dhanka ciyaar wanaagga iyadoo la xisaabinayo calaamadaha ay qaateen labada waddan ee isku dhibcaha noqday.
Xulka qaranka dalka Japan ayaa la guddoonsiiyay afar kaar oo hurdi/jaallo ah, halka Senegal ay lix jaallo aruursatay, taasoo ka dhigan in Japan ay ciyaar wanaag kusoo gudubtay iyadoo xigsatay booskeeda labaad oo ay usoo gudubto wareegga 16-ka.