Home / ARRIMAHA BULSHADA / Shabaab oo Xirtay Garoon Kubadda Cagta Lagu Ciyaaro oo Ku yaalo Magaalada Muqdisho

Shabaab oo Xirtay Garoon Kubadda Cagta Lagu Ciyaaro oo Ku yaalo Magaalada Muqdisho

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gebi ahaanba xireyn Salax ku yaalla Magalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Shiirkoole kaas oo dhalinyarada ay kubadda Cagta ku ciyaari jireen.  Salaxaan ayaa ka mid ah kuwa ay dhalinyarada xaafada Shiirkole si aad ah ugu ciyaaraan,iyada oo xilliyada Bisha Ramadaan lagu qabto tartamo Kubadda Cagta ah,waxaana dhalinyaradii gacanta ku haysay Salaxaas loo sheegay inay joojiyaan ku ciyaarista Garoonkaas.

Mid ka mid ah masuuliyiinta Salaxaas ayaa sheegay in Al-Shabaab ay taleefoonkiisa ugu soo direyn fariin loogu sheegay in gebi ahaanba la joojiyo Ciyaarta Kubadda Cagta ee Garoonka Salaxa xaafada shiirkole.

Dhowr bil kahor ayaa sidaan oo kale waxaa soo baxay warar sheegayay in Al-Shabaab ay amreen in la joojiyo ku ciyaarista Garoomada Salaxa ee Kubadda Cagta degmooyin ku yaalla Gobolka Banaadir wallow Wasaaradda Amniga iyo Maamulka G/Banaadir ay beeniyeen.

About Ali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

R”Wasaare Cali kheyre oo Xafiskiisa ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse,

R/Wasaare cali kheyre oo Xafiskiisa Xalay ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor MuuseBoqor Burhaan Boqor Muuse ayaa Ra’iisul ...

SAWIRO,Qaxooti dalka dib loogu soo celiyay,

Lataliyaha Koowaad ahna Kusimaha Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed ayaa ku ...

Baaritaan kii mudada socday Ee lagu hayay Trump oo la soo geba”gabeeyay,

Warbixin kooban oo Aqalka Aqalka Kongresska uu u gudbiyay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah ...

Jubbaland Axmed Madoobe Oo Maanta kusoo wajahan Magalada Muqdisho,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo ...

Jawaari Soomaalida Ugu Baaqay Inay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amaanka,

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa cambaareeyay qaraxii Al ...